Hadii aad akhriday labadii maqaal ee kan ka horeeyay waxa laga yaabaa in aad iminka is waydiinayso waxa uu yahay ururka Ikhwaanku, waxa ay aaminsan yihiin xubnihiisu iyo waxa uu kaga duwan yahay ururadda kale ee adduunka ka jira. Jawaabaha su’aalahani waxa ay ku cadyihiin waraaqihii uu qoray Sh.Xasan Al Banna[i]. Hadii Alle yidhaadana waxa aan qormaddan ku eegi doonaa qaar ka mida jawaabhaas uu Sheekhu bixiyay.
Dacwadii Quraanka oo dhamaystiran
Dacawadda Ikhwaanku sida uu sheegay Sh.Xasan Al Banna waa dacwo Islaamiya oo ka duulaysa fahamka saxeexa ah ee Islaamka. Khudbad uu sheekhu ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen madaxda ururka Ikhwaanku ayaa isaga oo sharaxaya waxa ay dacwadda Ikhwaanku tahay waxa uu yidhi, “Dad badan ayaa idin waydiin doona waxa ay Ikhwaanku yihiin?, waxa aad ugu jawaabtaan, waxa aanu nahay dacwadii Quraanka oo dhamaystiran. Waxa aanu nahay xaqiiqo suufiya, waxa aanu nahay Jimciyad khayriya(oo dadka baahan caawisa), waxa aanu nahay urur bulsho sidaas oo kale waxa aanu nahay urur siyaasadeed nadiif ah. Dadka qaar baa idin odhan doona wali maananu idin fahmin ee isku kaaya cadeeya. Kuwaas waxaad ku tidhaahdaan waxa aanu nahay dacwad Islaamiya oo qofkii Islaamka si saxa u fahma ay fududahay inuu fahmo ee walaalayaal marka hore Islaamka si saxa u fahma si aad noo fahantaan..”[ii]
Fikrad iyo Caqiido-Nidaam iyo Manhaj
Waraqad kale oo ka mida waraaqaha uu Sheekhu qoray ayaa waxa uu ku cadeeyay in aanay Ikhwaanku ahayn xisbi siyaasiya, jimciyad khayri ah, koox ciyaartooy ah, urur bulsho iwm. Arimahaas oo dhami waxa uu sheegay in aanay dacwadoodu ka madhanayn laakiin ay dacwadoodu intaasba ay ka wayn tahay. Waxa uu yidhi “Waxa aanu nahay FIKRAD iyo CAQIIDO, NIDAAM iyo MANHAJ aan ku koobnayn dhul iyo dad khaas ah. Wax aanu nahay dacwadii Nabi Maxamed (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee), waxa aananu xambaarsanahay calankii dacwadiisa.”[iii]

Dacwo koobaysa dhinacyada nolasha oo dhan
Sidaas oo kale khudabad uu Sh.Xasan Al Banna jeediyay munaasabadii 10 aad ee ka soo wareegtay dhismiha ururka Ikhwaanka ayuu si faahfaahsan ugu caddeeyay waxa ay yihiin Ikhwaanku iyo waxa ay tahay fikradoodu. Waxa uu yidhi “Waxa aanu aaminsanahay (ikhwaanka) in axkaamta Islaamku ay yihiin qaar saamaynaya nolasha bani’aadmiga if iyo aakhiroba”, sidaas oo kale waxa aanu aaminsanahay ayuu yidhi “in Islaamku uu yahay caqiido iyo cibaado, wadan iyo jinsiyad, diin iyo dawlad, ruuxaanniyad(iimaan) iyo shaqo sidaas oo kalena uu yahay kitaab iyo seef.”
Isagoo arinkan faah faahinayana waxa uu sheegay in dacwada Ikhwaanku ay tahay[iv] :
Dacwo Salafiya: waayo buu yidhi waxa aanu dadka ugu yeedhaynaa in ay u noqdaan Quraanka iyo Sunadii Nabiga (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee).
Dariiqo Suni ah: Waayo buu yidhi waxa aanu intii karaankayga ah dabaqaynaa sunadii nabiga (csw) khaasatana dhinacyadda caqiidada iyo cibaadada.
Xaqiiqo suufiya: waayo buu yidhi waxa aanu ognahay in khayr kastaba uu asaaskiisu yahay qalbi nadiif ah, camal joogto ah, Ilaahay dartii oo wax loo jeclaado iyo khayrka oo gidigii lagu xidhnaado.
Hay’ad Siyaasi ah : waayo buu yidhi waxa aanu dalbaynaa in xukumka la hagaajiyo.
Urur ciyaartooy: waayo buu yidhi waxa aanu ognahay in Muslimka xoogan ee caafimaadka qabaa uu ka khayr badan yahay kan daciifka ah.
Shirkad dhaqaale: waayo buu yidhi Islaamku waxa uu ka hadlaa qaabka xalaasha ah ee maalka loo soo shaqaysto iyo sida saxa ah ee loo isticmaalo.
Urur wax garad iyo Cilmi: waayo buu yidhi Islaamku waxa rag iyo dumarba faral kaga dhigay barashada iyo kororsiga cilmiga.
Urur bulsho: Waayo buu yidhi ikhwaanku waxa ay baadhayaan cudurada bulshadooda waxaanay isku dayayaan in ay dawo u raadiyaan.
Waxa aanu ku soo gabagabaynayaa maqaalkan kalimadan oo uu Sh.xasan Al Banna mar kale ku cadaynayo fikiradda ururkiisa. Isaga oo la hadlaya xubnaha ururka ayaa wuxuu yidhi: “Hadii la idin waydiiyo waa maxy waxa aad dadka ugu yeedhaysaan?…waxaad ku jawaabtaan waxa aanu ugu yeedhaynaa Islaamkii lagu soo dajiyay nabi Maxamed (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) xukuumadduna waa qayb ka midda Islaamka aanu dadka ugu yeedhayno..Sidoo kalena xoriyaddu waa faral ka midda faraa’ida Islaamka. Hadii la idin yidhaa taasi waa SIYAASAD…waxa aad tidhaahdaan Waa kaas Islaamka saxa ahi…”
Ilaa iyo qormada tan ku xigta..khayr baan idiin rajaynayaa.