Xalku waa Heshiis Dhexmara Kooxda Asmara Iyo Kooxda Muqdisho
Burburkii nidaamkii maxkamadaha ee Koonfurta Soomaaliya iyo soo galitaankii ciidamada Itoobiyaanka ee Magaalada Muqdisho waxa ay fogeeyeen xal u helida mushkiladaha Siyaasadeed ee Soomaalida. Waaqican cusubi waxa uu Soomaalida u qaybiyay laba kooxood oo ay mid kastaba aaminsatahay in uu dariiqeedu yahay ka kaliya ee uu xal ku iman karo. Labadan qolo (dawlada kumeel gaadhka ah iyo “kooxda Asmara”) ayaa mid kastaba waxa ay aaminsatahay in aan XAL waara la gaadhayn hadii aan iyada lagu daba safan. Waxa iska cad in waxgardka Soomaalidu ay ilaa iminka soo bandhigi kari la’ayihiin xalal waaqiciya oo lagu furdaamin karo mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida. Hadii la rabo in dhibta taagan laga baxo waa in la helaa xalal waaqiciya, kuwaas oo ka imanaya gudaha Soomalida, kuna dhisan isu soo dhowaansho iyo is calool xaarasho bilow u noqon kara soo afjarida dhibaatada siyaasadeed ee Soomaalida. Anigoo hadaba ka duulaya arimahaas ayaa waxa aan maqaalkan ku faalayn doonaa aragtiyaha ay labadan kooxood kala qabaan, isla markaana waxa aan soo bandhigi doonaa aragti aan is leeyahay waxa ay isu soo dhawayn kartaa labada dhinac ee isku haya masraxa siyaasada Soomaalida.
Dowlada Ku Meel Gaadhka Iyo Taageerayaashooda
Dawlada ku meelgaadhka ah (DFK) iyo taageerayaasheeedu waxa ay aaminsayihiin in uu xalku yahay taaba galka dawalada ku meel gaadhka ah. Waxa ay ku doodayaan in ay dawladu ku timid doonitaanka shacbiga, sidaasna ay tahay in lugu aqbalo. Waxa kale oo ay kooxdani ku doodayaan in ay maxkamaduhu khatar ku ahaayeen jiritaankooda, sidoo kalene ay(maxkamaduhu) doonayeen in ay dagaal ku soo qaadaan isla markaana qabsadaan fadhiisimadooda. Maadaama bay leeyihiin aanay dawladu haysan awood ay iskaga caabiyaan ‘gardarada Maxkamadaha’ waxa daruuri ahayd in ay helaan cid leh awood iyo quwad ay iskaga celin karaan Maxkamadaha. Aragtidooda cida kaliya ee diyaarka u ahayd in ay taageero u fidiso dawladu waxa ay ahayd Itoobiyaanka. Sidaa daraadeed qoladani daruuro ayay u arkaan soo galitaanka Xabashida ee Soomaaliya. Uma arkaan Xabashida cadow dhulkoodii qabsaday. Waxa ay u arkaan saaxiib caawinaya. Sidoo kale qoladani ma arkaan in ay Xabshidu Soomaaliya ka baxdo ilaa iyo nabadgalyo buuxda laga helayo amaba la helayo ciidan kale oo badala ciidanka Itoobiyanka. Si guud qoladani waxa ay doodoodu tahay “hadii la rabo in dhibta Soomaalida la soo afjaro” ha la taageero dawlada ku meel gaadhka ah.
Kooxda Asmara Iyo Taageerayaashooda
Qoladani waxa ay aaminsan yihiin in wadanka ay Itoobiyaan ku soo duuleen, Soomaaliduna ay waqtigan gumaysi (Xabashida) hoos galeen. Itoobiyaanka waxa u fududeeyay qabsashada Soomaaliya (sida ay ku doodayaan) dawlada ku meel gaadhka ah (DFK). Sidaa daraadeed waxay aaminsan yihiin in DFK ay tahay aalad ay Xabashidu ku shaqaysanayso oo lumisay sharciyadeedii. Qoladan waa isugu mid Itoobiyaanka iyo DFK. Jenaraal Xabashiyi in uu Soomaaliya maamulo ayay ku qanacsan yihiin. Dawlada (DFK) waxa ay arkaan in ay maqaar saar u tahay Itoobiyaanka. Sida kaliya ee Xabashida wadanka looga saari karaa waxa weeye ayay leeyihiin dagaal iyo iska caabin. Sidoo kale waxa ay aaminsan yihiin in ay daruuri tahay in la helo hogaan cusub oo ka shaqeeya dib u xoraynta wadanka, isla markaana badala dawlada ku meelgaadhka ah. Wada hadal Soomaalida dhex mara waxa ay shardi uga dhigayaan in marka hore ay Itoobiyaanku ka baxaan wadanka. Ilaa inta taa laga helayona waxa ay aaminsan yihiin in wadada kaliya ee u furani ay tahay in muqaawamada la wado.
Xalku waa wada Hadal
Mawaaqiftaas ay labadan qolo kala joogaan waxa ay adkaynaysaa in xal macquul ah laga gaadho dhibaatada Soomaalida. Hadaanse indhaha la is qaban xalku waxa uu ku jiraa heshiis dhex mara labadan daraf!
Su’aashuse waxa ay tahay sidee lagu bilaabi karaa heshiis iyo wadahadal dhex mara labadan dhinac?. In la helo jawaab qancisa dhinacyada is haya iyo taageerayaashoodu waa ay adagtahay. Taas oo jirta, hadana, aragtidayda xalku waxa uu ka bilaabmi in labdan kooxood la isugu isugu keeno wada hadal aan bilowga hore shuruudo la hordhigayn.
Hadii markaa la isa soo hor fadhiisiyo iyada oo yoolku yahay baadigoobka xalinta dhibaatada taala, isla markaana wax walba laga hormarinayo danta umada, daaqadana laga saarayo danaha shisheeye, tan beelaha iyo kuwa gaarka ahba, waxa aan aaminsanahay hadii sidaa la yeelo in wax badan la isla fahmi karo, isla markaana ay tani noqon karto talaabo horseeda saxansaxo caafimaad qabta iyo nabadgelyo waarta oo Soomaali u soo noqota.
TFG iyo inta raacsani waa in ay qiraan in ay jirto mucaarado xoogan oo ay in badan oo Soomaalida ka midi kaga soo horjeedaan siyaasadahooda oo ay ugu horayso joogitaanka Itoobiyaanka ee Soomaaliya. Dhinaca kale, Mucaaradka waa in ay qiraan in sida ugu fudud ee Itoobiyaanka loo saari karo ay ku jirto wadahadal iyo heshiis lala galo DFK.
Waxa ay ila tahay aragtida odhanaysa ma hor fadhiisanayno DFK inta ay Xabashidu dhulka joogto in aanay waqtigan ahayn aragti ku dhisan la falgalka waaqiciya yaal. Sidaas darteed waxa aan is leeyahay inta diidan Xabashidu iyaga oo aan mabda’iyan ka tanaasulayn aragtidooda hadana waa in ay aqbalaan la fadhiisaga kooxdan keentay Itoobiyaanka. Quwadaha shisheeye ee ku loolamaya Soomaaliya guushoodu waa in aanay Soomaalidu isa soo hor fadhiisan.
Diidista labada dhinac ama midkood ay diidaan wadahadalku, waxay dani ugu jirtaa oo keliya Itoobiyaanka iyo inta aan dooneyn in ay Soomaalidu dhibta ka baxdo. Hadii la diido is horfadhiisi iyo in miiska wadahadalka lagu gorgortamo waxa la dhawraa waa dagaal daba dheeraada iyo khalkhal siyaasadeed oo cida ka faa’idaysaa ay yihiin inta cadowga u ah Soomaalida.
Mahadsanid
Siciid Cali
Said.ali.ahmed@gmail.com