Heshiiska Jabuuti guul mise fursad la lumiyay

Posted by Said Ali Ahmed | 10:53 AM

Wadanka Jabuuti waxa shalay oo ay taariikhdu ahayd 25/11/2008 lagu kala saxeexday heshiis dhexmaray dawlada ku meel gaadhka ah ee Soomaaliyeed iyo Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed garabka Jabuuti. Heshiiskan -oo ahaa mid ay dad badani in mudo ahba sugayeen- waxa ka muuqata daldaloolooyin waaweyn kuwaas oo shaki wayn galinaya suurtagalnimada in uu heshiiskani hirgalo. Faaladan waxa aan si kooban ugu eegi doonaa daldaloolada uu heshiiskani leeyahay iyo natiijooyinka dhabta ah ee shirka Jabuuti.

Daldaloolada heshiiska

Daldalooda heshiiskan waxa ugu wayn kuwan:

Dawlada Balaadhan:

Nuqdada ugu muhiimsan ee ay labada dhinac ku heshiiyeen waxa weeye in la soo dhiso dawlad iyo baarlamaan ay labada dhinac ku midaysan yihiin. Waxa uu heshiisku ku baaqayaa in la balaadhiyo baarlamaanka Soomaalida ee iminka jira, kaas oo uu heshiisku leeyahay waa in xubnihiisa la laban laabo. Sidoo kale heshiisku waxa uu ku baaqayaa in la soo dhiso dawlad cusub oo ay labada qolo ku midaysan yihiin. Nuqdooyinkani waxa ay u muuqdaan qaar aan aad looga baaraan dagin. Way adag tahay in labada dhinac ee heshiiyay uu midkastaba natiijadan taageerayaashiisa ka iibiyo. Way adagtahay in reer Asmara, Alshabaab iyo in badan oo ka mida qolooyinkii wadaada ee gudaha ku jiraa ay aqbalaan kuraasta la siiyay iyo ka qayb galida dawladan uu heshiisku sheegay in la soo dhisayo. Sidoo kale way adagtahay in Cabdullahi Yusuf iyo xulafadiisu ay ogalaadaan heshiis u muuqda shirqool siyaasadeed oo Cabdullahi Yusuf iyo xulafadiisa lagu khaarajinayo. Mida kale waxa la garan la’ayahay sida ay ku ogolaadeen qolooyinka Jabuuti ku shirayay in la dhiso baarlamaan ka kooban 500 xubnood. Ma is waydiiyeen sida loo maaraynayo cadadka intaa le’eg? Sidoo kale ma is waydiiyeen cida masruufaysa cadadka intaas le’eg. Timir lafbaa ku jirta ayay Soomaalidu ku maahmaahdaaye ee waxa muuqata in ay jiraan ujeedooyin qarsoon oo la doonayo in loo balaadhiyo baarlamaanka iyo dawlada. Ujeedooyinkaas waxaa ka mida:
  1. Iyada oo qolooyinka Jabuuti ku heshiiyay ay ka baqayaan hadii la kala diro baarlamaanka iminka jira in odayga Cabdullahi uu dhiniciisa u soo jiito xubnaha baarlamaanka iminka ku jira taas oo adkaynaysa in Nuur Cade iyo Axmed Cabdisalaan ay hirgaliyaan shirqoolka siyaasdeed ee ay rabaan in ay Cabdullahi Yusuf kaga takhalusaan.

  2. Itoobiya oo aan rabin in nidaamka TFGdu uu burburo taas oo hadii ay dhacdo jabkii milatari ee ay Soomaaliya kala kulmeen ugu daraysa jab siyaasadeed.

  3. Dawladaha caalamka qaarkood oo aan rabin in ay wadaadu owood siyaasadeed oo muuqata ku yeeshaan Soomaaliya.
  4. Qolooyinka Isbahaysiga garabka Jabuuti oo u baahan kuraas badan oo ay u qaybiyaan taageerayasha isbahaysiga si aan looga raacin dhinaca kale ee ka soo horjeeda heshiis lala galo TFG’da.

Axdiga Ku meel gaadhka ah in lagu socdo

Nuqdada labaad ee muhiimka ah ee ay labada dhinac ku heshiiyeen waxa weeye in axdiga ku meel gaadhka ah la waafajiyo heshiiskan. Nuqdadani waa nuqdad kale oo ka mida daldaloolada heshiiskan. Waa maxay ujeedada laga leeyahay in la yidhaa heshiiska ha la waafajiyo axdiga ku meel gaadhka ah?. Jawaabtu waxa weeye in 4.5 lagu qaybiyo kuraasta cusub ee la siiyay Isbahaysiga. Hadii isbahysigu ay keenaan xubno aan lagu soo qaybin 4.5 waa la diidayaa waayo sida uu heshiisku dhigayo ma waafaqasana axdiga ku meel gaadhka ah. Qolooyinka Isbahaysiga ee ka qaybgalay shirkani waxa ay mudo dheer naqdinayeen habkan 4.5 ka laakiin waxa muuqata in ay ay iminka taas ka tanaasuleen. Waxa adkaanaysa in Isbahysiga garabkiisa Jabuuti uu aragtidan ka iibiyo dhinacyada kale ee isbahysiga, waayo nuqdadani waxa ay khilaafsan tahay qaabkii markii horeba isbahysiga lagu soo dhisay oo aan ahayn qaab qabiil. Nuqdadani waxa ayba keeni kartaa in khilaaf hor lihi uu ka dhex bilaabmo isbahysiga garabkiisa Jabuuti. Mida kale Isbahaysigu waxa ay mudo dheer naqdinayeen dustuurka ku meel gaadhka ah, iminka se waxa muuqata in ayba ogolaadeen in isaga wax kasta lagu xaliyo. Way adagtahay qolooyinka taageeri jiray isbahaysigu in ay arinkaas aqbalaan. Taasina waxa ay adkaynaysaa in uu heshiiskani hirgalo.

Natiijada Shirarka Jabuuti

Waa wax fiican in la heshiiyo lana wada hadlo, taasi waa sida kaliya ee lagu soo afjari karo mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida. Rajada ay dad badan oo aan ku jiraa ay ka qabeen shirkan Jabuuti waxa ay ahayd in heshiis macno leh oo waaqiciya lagu gaadho Jabuuti laakiin waxa aad moodaa in taas iminka lagu hungoobay. Natiijada shirkan ka soo baxday waxa ay noqotay:

  1. Qaybinta xoogagii islaamiyiinta ahaa ee Itoobiyaanka ka soo horjeeday, halkii uu heshiiskani keeni lahaa isu soo dhawaansho siyaasadeed oo Soomaalida dhexdeeda ahna waxa uu heshiiskani dhalin karaa dagaalo hor leh oo markan ka dhex dhaca qolooyinka wadaada ahaa ee ku midaysnaa iska caabinta Itoobiyaanka. Waxa laga yaabaa in uu bilaabo loolan cusub oo hubaysan oo diin ku dhisan oo aan hore loogu arag Soomaalida dhexdeeda.

  2. Waxa uu cadeeyay in wadaada Soomaalidu aanay wali si fiican u ciyaari karin kubada siyaasada Soomaalida. Qolooyinka Isbahyisga garabkooda Jabuuti, mawqifkasta oo ay sheegeen in uu agtooda muqadas ka yahay waa ay ka tanaasuleen. Arinkooduna waxa uu dhaafi waayo kuraas la qaybsado. “Xabashidu ilaa ay baxdo lama hadlayno TFG’da”, “awood qaybsi lagama wada hadli karo ilaa ay Itoobiyaanku baxaan”, “ujeedadayadu ma aha xukum ee waa in Itoobiyaanku dhulka nooga baxaan.” Kuwaas ayay ahaayeen mawaaqiftoodii muqadaska agtooda ka ahayd laakiin natiijada shirarkan Jabuuti waxa ay markhaati u tahay in ay intaasba ka tanaasuleen iyada oo aanay cadayn wax wayn oo badal ah oo ay heleen.
  3. Waxa laga yaabaa in uu sii xoojiyo xoogaga aan marka horeba ogolayn in la wada hadlo lana heshiiyo.
  4. Inkasta oo laga yaabo in uu heshiiskani dhaliyo in Itoobiyaanku ay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, hadana waxa uu heshiiskani guul siyaasadeed u yahay Itoobiya, waayo qaybsanka Islaamiyiinta Soomaalida iyo in ay sii socodo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalidu waa hadaf Istaraatiijiya oo ay Itoobiyaanku ka xaqiijiyeen heshiiskan kaas oo ay ku gaadhi kari waayeen cududoodii milatari.

Gabagabadii natiijada shirkani ma aha mid soo afjaraysa mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida. Shirkani iyo natiijadiisuna waxa mari doonaan halkii ay mareen kuwii isga ka horeeyay. Siyaasada Soomaaliduna waxa ay gashay waji cusub oo aan la garanayn meel ay sal dhigan doonto
Siciid Cali Axmed

Said.ali.ahmed@gmail.com

Guusha Mr.Obama casharo ayaa ku jira

Posted by Said Ali Ahmed | 3:54 AM

Guul lagu farxo

Bilowgii Islaamka, waqtigii ay Muslimiintu ku noolaayeen magaalada Maka ayaa dagaal wayni waxa uu ka dhex dhacay labadii dawladood ee waqtigaas aduunka ugu xooga waynaa. Dawladi waxa ay ahayd dawladii Romaanka taas oo aaminsayad diinta Kirishtanka, ta kalena waxa ay ahayd Dawladii Furuska oo ay dadkeedu dabka caabudi jireen. Dagaalkan waxa ku adkaaday qolooyinkii dabka caabudi jiray ee Furuska. Markii ay hadaba guushan Furusku soo gaadhay magaalada Maka, qolooyinkii dhagaxa caabudi jiray ee Maka ku noolaa aad iyo aad ayay ugu farxeen warkan halka ay Muslimiintii Maki ay warkan ka naxeen. Sababta ay Muslimiintu uga naxeen jabka Romaanka, dhagax caabudayaashuna ay ugu farxeen guusha Furusku waxa ay ahayd iyada oo qolo kastaba ay aaminsanyd in labadaas qolo midkood ay isu dhaw yihiin. Muslimiintu waxa ay aaminsanayeen in qolooyinka Ahlul Kitaabka ah ee Romanka ay isu dhawyihiin, halka qolooyinka dhagaxa caabudaana ay aaminsanaayeen in dab caabudayaasha Furuska ay isku dhawyihiin. Quraan ayaa barigaas soo degay kaas oo sii sheegaya in dagaal kale uu dhex mari doono Furuska iyo Roomaanka guushuna ay raaci doonto Romanka, maalintaasna ay Muslimiintu farxi doonaan. Dhacdadani waxa ay daliil u tahay in qofka Muslilmka ahi uu markasta noqdo mid la socda dhacdooyinka hareerihiisa ka dhacaya isla markaana uu la fal galo dhacdooyinkaas. Qolooyinkayaga ku nool Galbeedka ee ay Mr.Obama wadaagaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan mujtamacaadka Galbeedkana guushan ninkan odayga ahi waa mid aanu ku farxnay. Taageeradaas iyo farxadaasi se waxa ay uun sii socon kartaa waa hadii uu Mr.Obama wax ka badalo siyaasadahii dulmiga ku dhisnaa ee Mr.BUSH, hadii kale se wuxa uu noqon nin lagu hungoobo sidii INA BUSHba loogu hungoobay.

Danta umada waa in wax kasta laga hor mariyaa

Horumarka siyaasadeed ee Mujtamacaadka reer Galbeedka ayaa waxa ka mid ah in markii/hadii ay arkaan in wadankoodu uu dariiq khaldan ku socdo ay isku meel ka istaagaan badbaadada wadankooda iyaga oo ka koraya waxyaabaha yar yar ee qaybiya. Doorashadan uu Mr.Obama ku guulaystayna waxa ay markhaati ka tahay arinkan. Mr.Obama waa nin madow.Duruufta caadiga ah way adag tahay in qofka cadi uu qof madow doorto khaasatan marka ka la tartamaya qofkaas madowi uu yahay qof cad. Laakiin dad badan oo Marykanka ahi markii ay codaynayeen nuqdadan midabka xisaabta kuma ay darsan. Sababta ay cadaan badani u doorteen Mr.Obama oo ah nin madow waxa ay ahayd in markii ay is barbar dhigeen labada musharax ay arkeen in uu isagu (Obama) yahay ka waqtigan Maraykanka ka badbaadin kara dariiqa qaldan ee uu ku sii socdo. Dadka Maraykanka ah ee ka qaybgalay doorashadan 67% markii ay codaynayeen arinka ugu wayn ee ay maskaxdooda ka guuxayay waxa uu ahaa hoosu dhaca dhaqaale ee wadankooda ku dhacay. Afti laga qaaday dadka Marykanka waxa ay 81% sheegeen in wadankoodu uu dariiq qaldan ku socdo, badbaadana u baahanyahay.Xukunka ay rideena waxa uu noqday in ay doortaan Mr.Obama oo laga yaabi lahaa hadii ay xaaladu caadi ahaan lahayd in aanay dooran lahayn. In badan oo Soomaalida ahi waa ay u riyaaqeen doorashada Mr.Obama laakiin su’aashu waxa ay tahay ma ka faa’idaysan doonaan darsigan ay doorashada Mr.Obama xambaarsan. Marka ay dooranayaan cida hogaaminaysa ma waxa ay eegi doonaan haybta qofka ay dooranayaan mise waxa ay eegi doonaan in qofkaasi uu umada badbaadin karo. Nin gobolka Ohio degan oo cadaan ah ayaa waxa ay wargaysyadu ka soo wariyeen in uu yidhi “waligay kuma fakirin in aan nin madow u codeeyo…dhaqaalaha xumaadayse waxa uu igu dhaliyay in aan ku fakaro in aan u foodo nin madow…markii la sii waydiiyay cida uu iminka u codaynayo ayaa inta uu aamusay waxa uu yidhi Mr.Obama”. Waa ay ku cuslayd in uu sidaas yeelo laakiin ugu yaraan waxa uu dareemay hadii uu ninka kale u codeeyo in aanu wadankiisu mushkiladaha haysta ka baxayn. Maslaxada wadankiisa ayuuna ka hor mariyay wixii uu aaminsanaa. Waa rajadayda in Soomaalida ku faraxsan guusha Mr.Obama ay sida ninkan oo kale u fakaraan.

Midabku horumar kaama horjoogsanayo

Madowga ku nool Maraykanku in kasta oo uu dustuurku u ogol yahay in ay madaxwayne ka noqon karaan Maraykanka hadana marna kuma riyoonin in waqtiyadan dhaw dhaw ay ku fadhiisan karaan kursiga ugu sareeyay ee wadankaas. Waqtiguu uu Mr.Obama doorashada xisbigiisa kula tartamayay Mrs. Clinton, hogaamiyayaasha madowga intooda badani waxa ay la safteen Mrs.Clinton sababtuna waxa ay ahayd in aanay marna filayn in nin madowi uu meeshaas sare dhakhso u gaadhi karo. Mr.Obama waxa uu xaqiijiyay in uu arinkaasi hirgali kari hadii qofka madowi uu dadaalo, fikrad dheer yeesho, uuna la yimaado khidadii uu meesha dheer ku gaadhi lahaana. Caruurta madowga ah ee ku nool wadamadan qurbaha doorashadiisani waxa ay ku dhalinaysaa in ay sidiisa oo kale wax qabsadaan kuna fakaraan sidii ay mujtamacyadan ay reerahoodu u soo qaxeen wax uga qabsan lahaayeen. Obama ka hor waxa ay aaminsanaayeen in midabkoodu uu waxa badan ka hor joogo (waana dhab) laakiin iminka waxa laga yaabaa in qaar badan ay doorshadni ku dhaliso in ay ku fakaraan in ay meel dheer gaadhi karaan hadii ay dadaalaan. Dhaliinyarada Soomaalida ee qurbaha ku nool waxa aan rajayn in doorashadani baraarujiso.



Siciid Cali Axmed

Said.ali.ahmed@gmail.com