Waxaa magaalada muqdisho mar qura ka firxaday boqolaal kun oo dad ah kadib markii uu dagaal ku qabsaday guryohoodii .waxayna qof walba u dhaqaaqday wajigeeda iyadoo aan isba waydiin halka ay u socoto. Inta badan dadkaasi jaanis uma helin inay guryahooda ka qaataan agabka ay u baahanaayeen, Waxayna maciin bideen geedaha hoostooda hadii ayba helaan.
Hadii aan soo qaadano deegaanada ku hareeraysan xamar wuxuu qaxu aad isu dul buuxiyay
Ururada samafalku iyagoo ka jawaabaya qaylo dhaantaa ayay bilaabeen biyo dhaamin, dadaal badanna waa la bixiyay gaar ahaan jidka Afgooye ee laamiga ah oo maritaankiisu sahlan yahay.
Sawiradii laga soo qaaday halkan ka daawo:
http://picasaweb.google.com/Said.ALI.AHMED/Biyo_dhaamis/photo#s5065153215497060914
Si aan xog dhab ah u helno waxaan dirnay sahan soo fiiriya sida wax yihiin iyo meelaha ugu daran,waxayna gudigaasi noo soo xaqiijiyeen in goobta layiraahdo ABTOY oo warshada sigaarka iyo taraqa ujirta 16 KM dhinaca woqooyi inay tahay goobta ugu daran sababaha soo socda :
Maalintiina waxay howlgeleysay laba mar laga billaabo 10-4-07 taasoo ah muddo 21 maalmood ah ,
qoys kasta maalintii, wuxuu heli jiray biyo 40 litir ah taasoo ay u isticmaalaan cabitaan iyo kariska cuntada.
Xadiga biyaha ah oo lagaarsiiyay dadkaas
42 booyadood *45 fuusto = 1890 fuusto ama 378000 litir
“ waxaan ku siganay in aan markale qax ka xun kii hore u qaxno,oon daraaddii laakiin biyahaan wax walba waa ay nooga qiimo badan yihiin “, “ shan maalmood oo lasoo dhaafay korkayga biyo ma marin inkastoo ay igu dhacaysay qorraxda april “
Xaggee laga barakacay
Waxaa si buuxda looga barakacay inta u dhexeysa jidka wadnaha ee isku xira tarabuunka ilaa sanca iyo wixii kaxiga dhanka woqooyi sida dhulka ku dhereran jidka 30ka iyo warshadaha, iyo xaafadaha gubta, iyo suuqa xoolaha. Waxaa kale oo jira xaafado kale oo barakacu saameeyay sida kaaraan iyo shibis.Goobaha looqaxay
Inkastoo qaxa iyo barakaca lagu arkay meelo aad uga fog goobaha dagaalku ka socday min Hargaysa ilaa dhooblay hadana culayska ugu wayn wuxuu ahaa deegaanada ku dhereran muqdisho iyo labada shabeele.Hadii aan soo qaadano deegaanada ku hareeraysan xamar wuxuu qaxu aad isu dul buuxiyay
- deegaanada ku dhereran jidaka xamar iyo afgooye sida KM13 , ceelasha biyaha , lafoole , xaawo cabdi , dhalinta kacaanka . oo ay weli geedaha hoos daadsan yihiin.
- jidka Dayniille: oo xaalad ba’ani ku haysato dhul aad u balaaran ayna ku haysato biyo la’aan ,hoy la’aan iyo cudurka shubanka
- jidka carafaat jaamacad muqdisho waxaa
- jidka xeebta ee ceelmacaan iyo warsheekh
Doorashada goobta ugu daran
Dareenka biyo la’idu waxa uu soo baxay isla markii qof walba hoos tegay geed cidla ah, waxaana la is la dhexmaray qaylo dhaanta biyo xumida, meelaha ugu daran waxaa kamid ahaa jidka Afgooye ilaa Xamar iyo Dayniile.Ururada samafalku iyagoo ka jawaabaya qaylo dhaantaa ayay bilaabeen biyo dhaamin, dadaal badanna waa la bixiyay gaar ahaan jidka Afgooye ee laamiga ah oo maritaankiisu sahlan yahay.
Sawiradii laga soo qaaday halkan ka daawo:
http://picasaweb.google.com/Said.ALI.AHMED/Biyo_dhaamis/photo#s5065153215497060914
Si aan xog dhab ah u helno waxaan dirnay sahan soo fiiriya sida wax yihiin iyo meelaha ugu daran,waxayna gudigaasi noo soo xaqiijiyeen in goobta layiraahdo ABTOY oo warshada sigaarka iyo taraqa ujirta 16 KM dhinaca woqooyi inay tahay goobta ugu daran sababaha soo socda :
- Waxaa ku qaxay 550 qoys.
- ceel biyoood wuxuu ka fogyahay ilaa 5 KM
- Fursada ceelkaas biyo looga heli karaanna aad ayay yartahay, culayska saaran iyo biyihiisa oo yar daraadood .
- Booyad ay siin jirtay shirkada Hormuud oo ka istaagtay
- Iyo ugu danbayn jidka oo bacaad ah oo marinkiisu aanu sahlanayn.
- Ugu danbayn waxaan dareenay baahida dhabta ah ee taal meeshaas waxaanna bilawnay inaan kirayno booyad geli karta oo biyo gayn karta.
Habka biyo dhaaminta
Booyadda aan kireynay waxay qaadda 45 fuusto halkii marbaMaalintiina waxay howlgeleysay laba mar laga billaabo 10-4-07 taasoo ah muddo 21 maalmood ah ,
qoys kasta maalintii, wuxuu heli jiray biyo 40 litir ah taasoo ay u isticmaalaan cabitaan iyo kariska cuntada.
Xadiga biyaha ah oo lagaarsiiyay dadkaas
42 booyadood *45 fuusto = 1890 fuusto ama 378000 litir
Dareenka dadka
Dr Cilmi oo kamid ah dadka ku soo qaxay halkaas ayaa yiri :“ waxaan ku siganay in aan markale qax ka xun kii hore u qaxno,oon daraaddii laakiin biyahaan wax walba waa ay nooga qiimo badan yihiin “, “ shan maalmood oo lasoo dhaafay korkayga biyo ma marin inkastoo ay igu dhacaysay qorraxda april “
Gebagebo
Dadka ku qaxay Abtoy iyagoo aan u kalo harin waxay qalbi furan Alle uga baryayaan in uu adduun iyo aakhiraba liibaan siiyo intii ka qeybgashay oo maalkooda qiimaha badan ku bixiyaya samata bixinta dadka walaalahooda ah .Sawiradii laga soo qaaday halkan ka daawo:
http://picasaweb.google.com/Said.ALI.AHMED/Biyo_dhaamis/photo#s5065153215497060914