Somaali badan ayaa waxa ay raja wayn ka qabeen in ay natiijo fiicani ka soo baxdo shirkii magaalada Khartuum la filayay in uu ku dhex maro dawlada ku meel gaadhka ah iyo Maxaakiimta Islaamka. Rajadaasi waa ay burburtay ka dib markii uu fashilmay shirkaasi kor hor intii aanu bilaabminba. Iminka oo hadaba uu shirkaasi fashilmay waxa haboon in la is waydiiyo suurtagalnimada heshiis dhex mara labadan kooxood. Qaybka Ilaah baa og laakiin marka aad u fiirsato mawaaqifta ay kala joogaan Maxkamadaha iyo dawlada ku meel gaadhku waxa aad odhan kartaa waa ay adag tahay in la helo heshiis ay labadaas dhinac isku waafaqi karaan. Maqaalkan waxa aan is kooban isgu dayi doonaa in aan ku eegno arimaha ugu waaweeyn ee hortaagan in la helo heshiis midho dhaliya kaas oo dhex mara dawlada KMG iyo Maxkamadaha


Qaabdhismeedka dawlada


Dawladii lagu soo dhisay Kenaya waxa asaas u ahaa nidaamka Qabaliga. Baarlamaanka waxa lagu soo dhisay habkii loogu magaca daray 4.5’ka. Manaasibta waaweeyn ee dawlada iyo baarlamaankana waxa lagu qaybsaday nidaamkaas. Dhinaca hogaanka Maxkamadaha hadalada ka soo yeedhaya waxa laga dhandhan sanayaa in aanay ku qanacsanayn nidaamka 4.5’ka. Laakiin, kaba soo qaad in ay Maxkamaduhu aqbalaan nidmaakan 4.5’ka, su’aashu waxa ay tahay ma la isku waafiqi karaa nasiibka ay qaadanayaan Maxkamaduhu, qoladase DKMG’ka ee kuraastaas ku fadhiyaa ma ogolaanayaan in ay ka kacaan kuraastaas. Sidoo kale hadii ay Maxkamaduhu diidaan habkan, su’aasha kale waxa weeye dawlada KMG ma ogolaan doontaa habka ay Maxkamaduhu rabaan. Xaqiiqdu waxa weeye in labada dhinac ay aad ugu kala fog yihiin nooca iyo habka loo marayo dhisida dawlada, taasina waxa ay tahay ahaan doontaana caqabad markasta hor taagnan heshiis dhex mara labada dhinac.


Dastuurka: Shareecada Mise….


Maxkamaduhu waxa ay sheegeen in aanay sina u aqabalin doonin dastuur ay ku jirto faqarado ka hor iminaya Shareecada Islaamka. Maxkamaduhu waxa ay aaminsanyihiin in dastuurka dawlada KMG ay hasytaan ay sameeyeen dawlado cadaw u ah Shareecada Islaamka sidaa darteedna waxa ay leeyihiin waxa ku jira faqarado badan oo ka hor iminaya diinta Islaamka. Mawqifka maxkamaduhu waxa weeye in marka hore la isku waafqo dastuurka lagu dhaqmayo. Madaxda dawlada KMG maba aaminsana in dastuurkoodu uu yahay mid ka hor iminaya shareecada Islaamka, sidaa darteed ma aaminsana marxaladan in baahi loo qabo dustuur cusub oo la sameeyo. Fahamka labada dhinac ee shareecadu ma aha mid isu dhaw. Sidaa daraadeed hadaanba isku faham laga ahayn distoorka la doonayo in lagu dhaqmo waa ay adkaanaysaa in shir la isugu yimaado uu heshiis dhaliyo.


Faragalin shisheeye..


Quwado badan ayaa shaki wayn ka qaba Maxaakimta waxa ay rabaan. Quwadahaasi waxa ay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba siiyaan dawalada ku meelgaadhka ah. Khatar wayn ayay u dawladahaasi u arkaan in Geeska Afrika laga dhiso dawlad uu asaaskeedu yahay shareecada Islaamka. Sidaa daraadeed istaraatiijiyadoodu waxa weeye in ay wiiqaan quwada ay yeelan karaan Maxkamaduhu. Cida ay adeegsanayaan quwadahaasi marxaladan waxa ay muuqataa in ay tahay dawlada KMG ah. Sidaa daraadeed waa ay adagtahay in heshiis la gaadho inta ay jirto faragalintaasi.


Mustaqbalka maxaa la filayaa


Ilaah baa og mustaqablka laakiin laba mid uun ayuu arinkani ku dhamaan karaa, in uu caqligu shaqeeyo oo la isu tanaasulo iyo in dagaal lagu kala baxo. Sababahaa aan kor ku sheegay waxa ay adkaynayaan in la isu tanaasulo sidaa darteed waxa hadhay waxa weeye in lagu kala baxo dagaal. Dagaal in uu xal keeni iyo in kale lama saadaalin karo laakiin waa dariiqa kaliya ee muuqada in lagu kala baxayo. Waa nasiib daro in dagaalkaasi uu dhaco, laakiin hadii uu dhaco wxuun baan rajaynaynaa in aanu noqon mid daba dheeraada oo dhib bada dhaliya.


Mahadsanidin


Siciid Cali Axmed






Powered by Qumana

0 comments